Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Washington kula kulmay jaaliyadda Soomaalida.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa lawadaageen xaalada guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, iyagoona warbixin ka siiyay nolosha dalka ay ku sugan yihiin.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunnaanadka kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Washington, waxaana uu u sheegay in dalka uu ka socdo dagaal lagu cirib tiraayo Kooxda Khawaarijta Al Shabaab, waxaana uu Guddoomiyaha jaaliyada reer Washington ku dhiirageliyay inay kaalin mug leh ay ka qaataan horumarinta dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...