Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo si kulul uga hadlay duqeymaha Israa’iil ay ku hayso Qaza

Date:

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si ba’an u dhaliilay  duqeymaha joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso Marinka Qaza, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Jarmalka.

Guterres ayaa sheegay, intii lagu guda jiray shirkii Golaha Ammaanka ee Talaadadii shalay ka dhacay magaalada New York, in ilaalinta dadka rayidka ah macnaheedu aanay aheen in la soo saaro amarro dadka ay ugu baxayaan guryahooda iyo in laga jaro cunnada, biyaha, dawada, iyo shidaalka, ka dibna lagu garaaco duqeyma aan kala joogsi laheen.

Guterres ayaa intaa ku daray in weerarkii ay Xamaas ku qaadeen magaalooyinka ku xeeran Marinka Gaza 7-dii bishan Oktoobar uusan ku dhicin meel bannaan, balse waxa hadda socda ay ka weynyahiin.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa yiri: “Aad ayaan uga walaacsanahay ku xadgudubka sharcigyada caalamiga ah ee bini’aadannimada ee ka dhacaya Qaz, ma jiro dhinac hubeysan oo ka sarreeya sharciga caalamiga ah ee dhowrista bani’aadannimada.”

Guterres, ayaa ka digay fidno dagaal oo gobolka saameeyso, isagoo Carrabka ku adkeeyay in sii socoshada dagaalada ay horseedi karaan inuu dagaalka ku baaho jihooyin ay hadda nabad ka jirto.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Eli Cohen, ayaa cambaareeyay, dhaleeceynta Guterres ee duqeymaha Israa’iil ay ka waddo magaalada Gaza.

Sidokale, wakiilka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqay in Guterres uu iscasilo, madaama uusan u qalmin inuu  hoggaamiyo Qaramada Midoobay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...