Tirade Suxufiyiinta lagu dilay Qaza tan iyo markii ay bilowdeen duqeymaha oo la shaaciyay

Date:

Tirada saxafiyiinta reer Falastiin ee ku geeriyootay duqeynta joogtada ah ee Isra’iil ay ka wado magaalada Qaza tan iyo 7-dii bishan October ayaa gaaray  ku dhawaad Labaatameeya ruux.

Ururka suxufiyiinta Falastiiniyiinta ayaa bayaan ay soo sareen sku sheegay in illaa markii ay bilowden duqeymaha ay Isra’iil ku haysa magaalooyinka Falastiin, gaar ahaan Qaza ay waxyeello kala duwan ka soo gaartay Saxaafadda ka howlgasho magaalada.

Bayaanka Suxufuyiintan ayaa lagu sheegay in duqeymahii ugu denbeeyay ay ku geeriyodeen Wariyaal ay ka mid ahayeen Rushdi Al-Sarraji iyo Khaliil Abu Adxa.

Sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Falastiin gabal dhicii shalay, waxaa duqeyn ka dhacday meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Sheekh Radwaan ee magaalada Gaza, ku geeriyooday Weriye Maxamed Imad, kaasi oo tirade guud ee Suxufiyiinta ku dhintay duqeymaha Isra’iil ka dhigaya 19 Wariye

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...