Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Wasiirka Difaaca Kenya kala hadlay Xoojinta Amniga labada dal iyo ciribtirka Khawaarijta

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Kulan qado sharaf ah hoygiisa ugu sameeyay Wasiirka Difaaca Dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale oo maanta soo gaaray Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Difaaca Kenya ayaa ka wada hadlay xoojinta amniga labada dal iyo sidii wadajir la’isaga kaashan lahaa ciribtirka iyo la dagaallanka Khawaarijta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay dhibaatada argagixisadu in ay saameyn ku wada leedahay waddamada gobolka, ciribtirkooduna uu wax weyn ka beddellayo amniga, nolosha iyo horumar ka tisqaada gobolka.
Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale, ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, wuxuuna ballan qaaday in Dowladdiisu ay kaalin muuqata ka qaadan doonto sidii loo soo afjari lahaa kooxaha Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...