Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa dalkaas Prof. Dr. Ömer BOLAT

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo wadanka Turkey ga kaga qeybgalaayey Shirka Madasha Ganacsiga ee Turkey ga iyo Afrika, ayaa wuxu halkaas kulan gaar ah kula qaatay dhiggiisa wadankaasi Wasiirka Ganacsiga Turkey ga Mudane/ Prof. Dr. Ömer BOLAT oo ay ka wada hadleen xiriirka ganacsi iyo xoojinta iskaashiga labada dal.

Labada dhinac, waxay sidoo kale falanqeeyeen dhammaystirka heshiiska Iskaashi ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkey ga oo loo yaqaano TEPA kaas oo maraaya heer gebogabo ah sidoo kale na muhiim u ah horumarka dhaqaale ee labada wadan, waxaana ay Soomaaliya diyaar u tahay soo dhaweynta Maalgasheyaasha, iyo in Ganacsatada labada dhinac ba ay Maalgashiyo ka samayeen Soomaaliya iyo Turkey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin

Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo...

Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojiyey Xiriirkooda Diblamaasiyadeed ka dib Wadahadallo ku dhexmaray Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...