Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ka daahfuray wajiga 2-aad ee shirka mideynta farriimaha dowladda & kuwa maamul gobolleedyada

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray wajiga 2-aad ee shirka mideynta farriimaha dowladda iyo kuwa maamul gobolleedyada.

Wasiir Daa’uud oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ugu horreyn waxa uu dulmar guud ku sameeyey qodabadii ugu muhiimsanaa ee diiradda lagu saaray wajiga koowaad ee shirka, isaga u jeedka shirka uu ku sheegay in ay tahay sidii loo mideen lahaa fariimaha dowladda.

“Warbaahinta 20-kii sano ee la soo dhaafay waxaa ku yimid isbadallo badan, taas oo nagu qasabtay in fariimaha dowladda ay noqdaan kuwa mideysay, oo aan isbarbaryaac iyo kala hadal lahayn, taas waxa ay nagu qasabtay diyaarinta safarkii dheeraa ee istaraatiijiyadda,” sida uu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in xilligaan ay jirto warbaahin xur ah iyo midda baraha bulshada, oo inta badan ku shaqeeya marin habaabin, iyaga oo aan raacin habraaca saxaafadda.

Ugu dambeyn Wasiirka Daa’uud ayaa sheegay in maanta dowladda ay kula jirta dagaal Khawaarijta, kaas uu sheegay in la doonayo si isku mid ah loo wajaho, si bulshada Soomaaliyeed loola wadaago fariimo isku mid ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...