π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π„ π‚π€ππƒπˆ π—π€π€π’π‡πˆ 𝐎𝐎 πŠπ€ π“π€π‚π’πˆπ˜π„π„π˜π„π˜ π†π„π„π‘πˆπƒπ€ πŒπ€π‘π—π”π”πŒ π€π—πŒπ„πƒ ππ€π€π‰πˆ 𝐒𝐀𝐂𝐀𝐃.

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, MarxuumΒ  Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday Magaalada London.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xusay in Marxuum Axmed Naaji Sacad uu ahaa abwaan, Fannaan, mulaxamiiste iyo dhaqan yaqaan door weyn ka soo qaatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyiga bulshadeenna.

β€œAlle ha u naxariistee Marxuum Axmed Naaji Sacad, waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo adeegayey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana Abwaanka lagu yaqaanay waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jiray wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha”

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...