π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π„ π‚π€ππƒπˆ π—π€π€π’π‡πˆ 𝐎𝐎 πŠπ€ π“π€π‚π’πˆπ˜π„π„π˜π„π˜ π†π„π„π‘πˆπƒπ€ πŒπ€π‘π—π”π”πŒ π€π—πŒπ„πƒ ππ€π€π‰πˆ 𝐒𝐀𝐂𝐀𝐃.

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, MarxuumΒ  Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday Magaalada London.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xusay in Marxuum Axmed Naaji Sacad uu ahaa abwaan, Fannaan, mulaxamiiste iyo dhaqan yaqaan door weyn ka soo qaatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyiga bulshadeenna.

β€œAlle ha u naxariistee Marxuum Axmed Naaji Sacad, waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo adeegayey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana Abwaanka lagu yaqaanay waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jiray wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha”

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...