π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π„ π‚π€ππƒπˆ π—π€π€π’π‡πˆ 𝐎𝐎 πŠπ€ π“π€π‚π’πˆπ˜π„π„π˜π„π˜ π†π„π„π‘πˆπƒπ€ πŒπ€π‘π—π”π”πŒ π€π—πŒπ„πƒ ππ€π€π‰πˆ 𝐒𝐀𝐂𝐀𝐃.

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, MarxuumΒ  Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday Magaalada London.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xusay in Marxuum Axmed Naaji Sacad uu ahaa abwaan, Fannaan, mulaxamiiste iyo dhaqan yaqaan door weyn ka soo qaatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyiga bulshadeenna.

β€œAlle ha u naxariistee Marxuum Axmed Naaji Sacad, waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo adeegayey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana Abwaanka lagu yaqaanay waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jiray wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha”

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya oo lagu soo dhaweeyay Magaalada New DelhiΒ 

Danjiraha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan u...

Hay’adda USAID oo Mashruuc looga hortagaayo cunno yarida ka daah furtay MuqdishoΒ 

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, Maxamuud...

Gollaha Wasiirrada oo Agaasimaha Guud ee HSJ u magacaabey Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane...

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay soo Afjaridda khilaafkii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo ItoobiyaΒ 

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda federaalka...