Agaasimaha guud ee Warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan isku xirka Warbaahinta iyo la dagaalanka khawaarijta

Date:

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar ku saabsan isku xirka xiriirka Warbaahinta iyo la dagaallanka fikirka khawaarijta.

Mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in ujeedka tababarku uu ahaa xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee dhinaca xiriirka warbaahinta iyo bulshada, si kor loogu qaado mideynta farriimaha dowladda ee ku wajahan ciribtirka kooxaha khawaarijta.

” Tababarkan waxuu muhiim u yahay isku-xirka dowladda, waxayna wasaaradda isku howshay sidii loo mideyn lahaa fariimaha loo gudbinaya shacabka Soomaaliyeed, waana mid kaalin ka qaadanaya la dagaallanka khawaarijta, dhinaca wacyi galinta Diiniga, taas oo khawaarijta ka been sheegaan” ayuu yiri Agaasime Xayir.

Agaasime Xayir oo bogaadiyay Tababarayaasha bixiyay siminaarka ayaa tilmaamay in aqoon is-weydaarsigan ka duwanaa kuwa caadiga ah, taas oo keentay in muddo dheer loo qorsheeyay si ka qeybgalayaasha u helaan waqti wanaagsan, isagoo ku boorriyay ka qeyb-galayaasha in meel looga soo wada jeesto khawaarijta lana mideeyo farriimaha.

Qaar ka mid ah ka faa’ideystayaashii tababarka ayaa ka mahad celiyey fursadda la siiyay, taas oo ay sheegeen in loo baahnaa isku xirka xiriirka Warbaahinta si qeyb wayn looga noqdo la dagaallanka fikir iyo Militari ee dalka ka socda ee ka dhanka ah khawaarijta.

Tababarkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa waxaa ka faa’ideystay 50 xubnood oo ka kala socda hay’adaha dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo qaatay casharro xoojinayo xirfadleyda ka howl gala qeybaha kala duwan ee hay’adaha Warfaafinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

Waxaa saakay aroortii hore ayaa lagu fuliyay xukun dil...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed...

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...