Agaasimaha guud ee Warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan isku xirka Warbaahinta iyo la dagaalanka khawaarijta

Date:

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar ku saabsan isku xirka xiriirka Warbaahinta iyo la dagaallanka fikirka khawaarijta.

Mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in ujeedka tababarku uu ahaa xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee dhinaca xiriirka warbaahinta iyo bulshada, si kor loogu qaado mideynta farriimaha dowladda ee ku wajahan ciribtirka kooxaha khawaarijta.

” Tababarkan waxuu muhiim u yahay isku-xirka dowladda, waxayna wasaaradda isku howshay sidii loo mideyn lahaa fariimaha loo gudbinaya shacabka Soomaaliyeed, waana mid kaalin ka qaadanaya la dagaallanka khawaarijta, dhinaca wacyi galinta Diiniga, taas oo khawaarijta ka been sheegaan” ayuu yiri Agaasime Xayir.

Agaasime Xayir oo bogaadiyay Tababarayaasha bixiyay siminaarka ayaa tilmaamay in aqoon is-weydaarsigan ka duwanaa kuwa caadiga ah, taas oo keentay in muddo dheer loo qorsheeyay si ka qeybgalayaasha u helaan waqti wanaagsan, isagoo ku boorriyay ka qeyb-galayaasha in meel looga soo wada jeesto khawaarijta lana mideeyo farriimaha.

Qaar ka mid ah ka faa’ideystayaashii tababarka ayaa ka mahad celiyey fursadda la siiyay, taas oo ay sheegeen in loo baahnaa isku xirka xiriirka Warbaahinta si qeyb wayn looga noqdo la dagaallanka fikir iyo Militari ee dalka ka socda ee ka dhanka ah khawaarijta.

Tababarkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa waxaa ka faa’ideystay 50 xubnood oo ka kala socda hay’adaha dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo qaatay casharro xoojinayo xirfadleyda ka howl gala qeybaha kala duwan ee hay’adaha Warfaafinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...