Ra”iisul wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha UAE u Fadhiya Muqdisho

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa isla soo qaaday arrimo muhiim u ah horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga iyo bini’aadanimada.

Dhankiisa, Danjire Al-Rumaithi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya inay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, iyo dadaalka ay ugu jirto kor u qaadidda dhaqaalaha, hufnaanta iyo la dagaallanka musuq-maasuqa, isaga oo xusay in dhankooda ay ka go’an tahay taageero dhinacyo kala duwan sida amniga, arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sanad guuradoodii 66-aad

Wasiirka Gaashaandhigga, JFS. Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Liibiya oo ka wada hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...