Al-Burhaan: Suudaan waxay wajaheysaa shirqoolkii ugu weynaa ee taariikhda soo mara

Date:

Taliyaha Ciidanka Suudaan , Abdel Fattah Al-Burhan, ayaa sheegay in dalkiisa uu xilligan wajahayo shirqoolkii ugu weynaa ee taariikhda soo mara, kaasi oo sida uu sheegay lagu beegsanayo guud ahaan masiirka Suudaan.

Al-Burhaan oo khudbad ku saabsan munaasabadda 69-guurada ka soo wareegtay aas-aaska ciidammada qalabka sida ee Suudaan u jeediyay Shacabka ayaa weeraray  taliyaha ciidamada Taageerada degdega ah, isagoo ku sifeeyay inuu yahay khaa’inul wadan damacsan inuu ka faa’ido dhiiga shacabka reer Suudaan.

 

Taliyaha ciidamada Suudaan, ayaa wacad ku maray in dhawaan Shacabka Suudaan ay u dabaal degi doonaan guulo laga gaaro ciidamada ka soo horjeeda ee tageerada degdega ah.

Khubarada dhanka  militariga iyo qaar ka mid ah diblumaasiyiinta  Caalamka ayaa saadaalin ay ka sameyeen dagaalka ka socda Suudaan, ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon karo muddo dheer.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa farriin hambalyo ah u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed .

HAMBALYO 12-KA ABRIIL MAALINTA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED Madaxweynaha Dowladda...

Madaxweynaha Dowladda Galmud ayaa hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed maalinta aasaaskooda ee 12-ka April.

Madaxweynaha ayaa yiri” Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa...