xukanka kiis ka soo bilowdey tiktok

Date:

Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” iyo Maxamed Faarax Maxamed ayaa is gacan qaaday habeen ka hor geerida Marxuum Saciid Cabdi Cali.

Sharma’arke ayaa 29 -kii June soo watay Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxamed Cali Cusmaan oo kawada tirsan ilaalada shacabka NISA, waxa uu sharmaake “CR” u soo watay in ay kaalmeeyaan maadaama habeen ka hor isaga iyo Maxamed Faraxa ay isku qabteen gabar TikToker ah oo sharmaake  CR la socotay.

Qorshuhu waxa uu ahaa in Sharma’arke iyo Maxamed ay iska miirsadaan oo aan cidna soo dhex gelin laakiin Marxuum Saciid Cabdi Cali oo aan war u hayn heshiiska nimanka ayaa kala celi is lahaa, waxaana xabad afsaar ah madaxa mariyay Maxamed Abuukar Dayax, isla meeshaas oo Bosh ahayd ayuuna ku naf baxay Marxuumka.

Maxamed Cali Cusmaan oo isna NISA ka tirsan ee ay wada socdeen wax waajib ka gudasha ah ma sameyn, waxaana sabab u ahayd in ay iyaga dhan wada duulaan ahaayeen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa qaaday fadhigii u dambeeyay ee kiiskan 22-kii July, waxa ayna ku kala xukuntay

1- Maxamed Abuukar Dayax Dil toogasha ah,

2- Maxamed Cali Cusmaan Shan-sano oo xabsi ciidan ah

halka Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” lagu xukumay Sanad, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...