Xuska Maalinta Adduunka oo lagu Qabtay Madaxtooyada Qaranka. {Sawirro}

Date:

Munaasabad lagu xusayey maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga ayaa ka qabsoomtay Isbitaalka Madaxtooyada Qadanka.

Munaasabaddaan oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin kala duwan iyo howl-wadeennada isbitaalka ayaa lagu soo bandhigay khatarta uu leeyahay xanuunkan dilaaga ah iyo dhabbaha ugu wanaagsan ee looga hortegi karo, si ay uga foojignaadaan halistiisa shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Isbitaalka Madaxtooyada JFS Dr Xuseen Maxamuud ayaa ka warbixiyey qataraha cudurka oo dadka badankood sahalsada madaama cagaarshowga dhaqaatirta u yaqanan dilaaga qarsoon (silent killer).

Wasiir ku xigeenka caafimaadka oo hadallada ka jeediyey munaasabadda ayaa Maamulka isbitaalka ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixinayaan xoojinta wacgelinta bulshada si ay uga taxadiraan badqabka caafimaadkooda.

Waxa kalo hadale boogin din leh ka jeediyey xildhibanada labada gole isugu jiro ayagoo ku boogaadiyey dadaalada isbitaalka uu wado

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...