Turkiga iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

Date:

Dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa kala saxiixday heshiisyo ku saabsan maalgashiga, warshadaha difaaca, tamarta iyo isgaarsiinta.

Saxiixa heshiiskan ayaa yimid ka dib wadahadalo ay magaalada Jeddah ku yeesheen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasoo diiradda lagu saarayay arrimo quseeya xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Khaalid Bin Salmaan, ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in maanta oo Talaado ah  Boqortooyada Sacuudiga ay la saxiixatay Turkiga, heshiis ay ku iibsaneyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn  si sare loogu qaado awooddaa ciidamada qalabka ee Boqortooyada Sacuudiga.

Sidoo kale, labadan dal ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan maalgashiga, heshiis iskaashi oo dhanka isgaarsiinta ah oo u dhaxeeya Waaxyaha Isgaarsiinta Turkiga iyo Sacuudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...