Wasiirka cadaaladda oo ka hadlay la dagaallanka musuqmaasuqa

Date:

Wasiirka Cadaaladda iyo dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha la dagaallanka musuq maasuqa ee dowladdu uu marayo meel wanaagsan.

Wasiirka ayaa sheegay in guddiga la dagaallanka musuqa uu yahay mid dastuuri ah dhismahiisuna uu haatan socdo, lana hor geeyn doonno golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka si loo meel mariyo, isagoo intaasi raaciyay in ay sii wadi doonaan howlaha horyaalla ee lagama maarmaanka u ah la dagaallanka Musuqmaasuqa shuruucdiisa kalena ay dhamaystiri doonaan.

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Idiris ayaa sheegay in Diinta Islaamka ay qof kasta oo muslim ah farayso Ilaalinta amaanada, wuxuuna musuqu ku tilmaamay mid xaaraam ah oo uu Alle fogeeyay, isagoo dowladda ku ammaanay tallaabada ay u qaadday la dagaallanka musuqa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...