Ciidamada Israโ€™iil oo dib ugu baxay Jeniin

Date:

Ciidamada Israโ€™iil ayaa isaga baxay xerada Jeniin ee Daanta Galbeed, kadib maalmo ay halkaas ka wadeen howlgal ay ku bartilmaameedsanayeen dadka reer Falastiin ee xeradaasi ku sugnaa.

Muuqaallo ay baahisay Warbaahinta ayaa muujinaya burbur baahsan oo ay halkaasi ka geeysteen Ciidamada cirka iyo dhulka ee Israโ€™iil.

Tirada dadka ay halkaasi ku dileen Ciidamada Israโ€™iil, ayaa lagu sheegay 12 ruux, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 100 qof.

Tv-ga Al-jazeera oo xaalada xeradan ugu kuurgalayay ayaa sheegay in ciidamada Israโ€™iil ay burburiyeen kaabayaashii ย noolasha ee xeradaas, kadib muddo laba maalmood ah oo dagaallo ay ka socdeen xerada Jeniin ee dhacda Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...