Qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujisay xaaladda magaalada Jeniin ee Daanta

Date:

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhibatooyinka  ka socda magaalada Jeniin ee Daanta Galbeed, kadib markii Ciidamada Israa’iil ay  halkaasi ka bilabeen hawlgalkii ugu ballaarnaa muddo 20 sano ah oo ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameedsanayaan Shacabka reer Falastiin ee magaalada Jeniin.

Ciidammada Israa’iil, ayaa magaalada Jeniin, ka bilaabay weerarro ballaaran oo cir iyo dhul ah, halkaas oo ay ku dileen 9 falastiiniyiin ah, halka 28 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidokale, Hay’adda Qaramada Midoobay ee Gargaarka Qaxootiga Falastiin “UNRWA” ayaa soo saartay Bayaan Isniintii shalay, si loo hubiyo xaaladda dadka ku waxyeelloobay xerooyinka magaalada.

UNRWA, ayaa ku baaqday in Ciidamada Israa’iil ay si degdeg ah u joojiyaan howlgalka, si dadka dhaawacmay ay u helaan daryeel caafimaad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...