150 qof ayaa loo xiray mudaaharaadyo ka dhacay Faransiiska oo looga soo horjeeday dilka booliska

Date:

Dibad-baxayaasha oo ka careysan dilka wiil 17-sano jir ah oo booliiska Faransiisku ay ku gubeen gawaari iyo dhismayaal ku yaalla xaafadaha magaalada Paris, iyadoo qalalaasuhu uu ku fiday magaalooyin kale  inkastoo ay sii kordhayaan dadaallada ammaanka iyo baaqyada saraakiisha ee ah in la dejiyo.

Booliiska ayaa xiray 150 qof habeenkii labaad ee mudaaharaadyada dabayaaqadii Arbacadii iyo horraantii Khamiista, ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Toogashadan dilaaga ah ee Nael talaadadii xili lagu jiray hubinta taraafikada ee Nanterre, lagana soo duubay muuqaal, ayaa ahayd dilkii ugu dambeeyay ee booliis oo argagax ku riday Faransiiska. Waxay kicisay xiisad muddo dheer soo jiitamaysay oo u dhaxaysa dhalinyarada iyo booliiska mashaariicda guryaha iyo xaafadaha kale ee danyarta ah ee dalka.

Magaca Nael ma aysan sii deyn mas’uuliyiinta iyo qoyskiisa. Hooyadii ayaa ku baaqday in maalinta Khamiista ah uu socod aamusnaan ah klaku maro fagaaraha lagu dilay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Qadar oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Faahfaahin ka Bixiyay Qaraar ku Saabsan Khayraadka Dabiiciga ah oo uu Meel Mariyay Baarlamaanka West Virginia.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...

Buulo-burde oo u gudubtay wareegga afar dhamaadka ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Buulo-Burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u...

Wasaaradda Batroolka XFS iyo West Virginia oo Iska kaashanaya Sahminta iyo Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West...