Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka

Date:

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa  khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay gaba-gabada fadhiga loo dhanyahay ee shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Jidda ee Dalka Saudi Arabia.

Shirkaan oo ay fadhiyeen dhammaan wasiirada Maaliyadda Dalalka Islaamka iyo gudoomiye-yaasha Bangiyada Horumarinta ayuu wasiirka maaliyadda Soomaaliya ka horsheegay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska iyo hagaajinta hannaanka Maaliyadda dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xariigay in loo baahan yahay in dalalka Islaamka ee ku bohoobay Bangiga Islaamka iyo Madaxweynaha Bangiga ay si gaar ah u la shaqeeyaan dalalka ka soo kabanaya dagaalada sukeeye oo ay Soomaaliya ka mid tahay, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay hadda ku socoto dariiqii rajada, kana gudbaysa Caqabado waayweyn oo ay ka mid yihiin dhibaatada laga dhaxlay arrimaha argagixisada, Abaaraha,  iyo Saameyntii Covid-19.

Gunaanadkii khudbadda wasiirka maaliyadda waxa uu kaga codsaday Dalalka Islaamka in ay Soomaaliya kala shaqeeyaan dhameystirka barnaamijka deyn-cafinta oo hadda soo gaaray heer gabo-gabo ah maraya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...