Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Hirshabeelle oo maanta kulan la qaatay Hay’addaha Samafalka.

Date:

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta kulan la qaatay Hay’addaha Samafalka ee ku sugan Magalaada Beledweyne.
Kulanka Gudiga Fatahaadaha iyo Hay’adaha Samafalka waxaa sidoo kale Aalada fogaan aragga kala soo qeybgalay Hay’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Samafalka iyo arrimaha bini’aadanimada iyagoo ka arrinsaday xaalada fatahaaadaha ee ka jirta Magaalada Beledweyne iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen Fatahaada Wabiga Shabeelle.
Guddiga Gurmadka Fatahaadaha ayaa tilmaamay in xaalad bini’aadanimo oo daran ay ka jirto Magaalada Beledweyne waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay gurmad qaran si loo samatabixiyo dadka guryahooda ka soo barakacay iyadoo kulankaan uu goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...