Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay Nabaddoonnada ay argagixisadu ku dileen Masagawaa ee Gobolka Galguduud

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree oo ay argagixisadu ku dishay magaalada Masagawaa ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha ayaa xusay in falkan bahalnimada ah ee argagixasada Alshabaab ay kula kaceen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qofkasta uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama Khawaarijta Alshabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr iyo tobon sano ay ku dhibaateynayeen dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey muwaadiniinta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, waxa uuna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso.

DHAMMAAD

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...