Wasiirka gaashaandiga XFS  ayaa ciidanka xooga dalka soomaaaliyeed u direy hambalyo ku aadan munaasabadda sanad guurada 63aad ee 12-Abril

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabadda sanad guurada 63-aad ee 12-ka Abriil oo maanta ku beegan

Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Ciidanka XDS, sarreeyaasha, saraakiisha,  saraakiil xigeennada, alifleyda, dableyda iyo jadiidka Ciidanka XDS ayaga iyo qoysaskooda Munaasabadda 12 Abriil awgeed oo ku began maalinkii la unkay Ciidankeenna XDS,” ayuu yiri wasiir Jaamac oo qoraalkaan soo saaray.

“Maanta oo ku beegan 63-guuradii aas-aaska CXD Soomaaliyeed, waxay har iyo habeen u taagan yihiin difaaca sharafka Ummadda Soomaaliyeed iyo qiyamkooda, waxaan Alle (SW) uga baryayaa inuu u naxariisto intii ku shahiidday difaaca qarannimada, sidoo kalena caafimaad deg-deg ah in uu siiyo intii ku dhaawacantay.”

“Daljir kasta ee u istaaga difaaca ummadda Soomaaliyeed, kana dhiidiya dhibta umadda haaysato wuxuu dalkaan ku dhex lahaan doonaa xasuus gaara ah. Haatan oo uu dalka ka jiro dagaal looga xorreynaayo khawaarijta caqabadda ku ah horumarka dalka, Ciidanka XDS iyo shacabka xaq u dirirka ah, waxay casharo lama ilaabaan ah u dhigeen argagixisada go’aansatay dhibaateynta umaddeena.”

Ugu dambeyntii wasiirka difaaca qaranka ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka codsaneynaa taageerada iyo garab istaagga naftood-hurayaasha dhiiggooda u bixiyey sidii ay ugu noolaan lahaayeen sharaf iyo karaamo. Gashkayagow Guuleysta, guusha waa ay dhowdahay.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...