Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka  oo qabtay Aqoon-isweydaarsi lagu diyaarinayo Istaraatijiyadda IPv6

Date:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) ayaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey aqoon-isweydaarsi lagu sameynayo Istaraatijiyadda Baratakoolka Internet-ka Nooca Lixaad (Internet Protocol Version 6) ee Soomaaliya.

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa isugu yimid qeybaha kala duwan ee hey’adaha dowladda iyo kuwa gaar loo leeyahay ee ka shaqeeya arrimaha teknoolijiyadda iyo Isgaarsiinta, waxaana ka mid ahaa madax ka tirsan dowladda, shirkadaha isgaarsiinta iyo adeeg-bixiyaasha internet-ka, bahda waxbarashada iyo ururrada bulshada rayidka.

Ujeeddada ugu weyn ee aqoon-isweydaarsiga ayaa ah in la sameeyo istaraatiijiyad oo IPv6 ah, taasoo u sahlaysa Soomaaliya in ay si buuxda uga gudubto IPv4-ta oo haatan la isticmaalo, loona guuro IPv6. Internet Baratakoolka IPv6 ayaa lama-huraan u ah sii ammaanka iyo kobaca Internet-ka, madaama laga helayo cinwaanno IP ah oo aad u ballaaran iyo adeegyo cusub.

Inta uu aqoon-isweydaarsiga socdo, ka qeybgalayaashu waxay dib-u-eegis ku sameyn doonaan heerka uu hadda marayo qaadashada IPV6 ee Soomaaliya, waxayna qeexi doonaan caqabadaha iyo fursadaha, iyagoo sidookale dejin doona khariidad loogu talagalay hirgelinta IPV6 ee dalka.

Aqoon-isweydaarsigu wuxuu sidookale madal u noqon doonaa ka qeybgalayaasha iyagoo ku wadaagaya waayo-aragnimadooda iyo hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee ay adeegsadeen dalalkii ku guuleystay iney u gudbaan IPV6.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay xafladda furitaanka ayaa xusay muhiimadda IPv6 uu u leeyahay mustaqabalka dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Soomaaliya. Wuxuuna u mahadceliyey Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo qabsoomidda aqoon-isweydaarsigan iyo khibrad farsamaba ka taageeray Hay’adda. Maareeyuhu wuxuu xusay in qaadashada IPv6 ay dalka u suuragelin doonto inuu la jaanqaado horumarka dhanka teknoolojiyadda iyo isbeddellada caalamiga ah, iyadoo islamarkaana uu wax weyn ka tari doono tayada iyo helitaanka adeegyada Internet-ka ee dalka oo dhan.

Madaxa ITU ee dalalka Carabta, Md. Caadil Darwiish, ayaa isna la hadlay kasoo qeybgalayaasha, isagoo iftiimiyey muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta iyo isku-xirnaanta u dhaxeysa dhammaan dhinacyada ay khuseyso horumarinta istiraatijiyadda IPV6.

Aqoon-is-weydaarsigan oo uu hoggaaminayo Dr. Navaneethan Arjuman, oo ah khabiir ku takhasusay teknoolojiyadda IPv6, ayaa ugu dambeyntii waxaa ka soo bixi doona khariidad loogu talagalay in dalka loogu hirgeliyo IPv6, taasoo oo loo soo bandhigi doono dhinacyada ay khuseyso si wadatashi dheeraad ah looga sameeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...