Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Itoobiya. {Sawirro}

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb Mukhtaar Maxamed Waare.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, isagoona ka gudoomay dhambaal saalaan ah uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka Itoobiya, waxaana uu sheegay in la adkeeyo xiriirka iyo wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka, isagoona xusay in labada dal ay kawada shaqeeyaan dhinacyada horumarka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxda Khawaarijta Al Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....