๐—ฅ๐—ฎ’๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ-๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ด๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜…-๐˜€๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgeliyaan dalka burburkii kaddib.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo dhiirri-gelinaya maalgashiga Warshadaha iyo Wax-soosaarka beeraha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada.

Xukuumadda DanQaran ayaa qorsheynaysa sannadaha dhow in la sameeyo aag u gaar ah Warshadaha, waxaana Raโ€™iisul Wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee deggan xarumaha dowladda in la banneeyo, si loogu adeeggo dalka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in cunto yaridu ay tahay dhibaato weyn oo caalamka heysata, sidaas awgeedna ay Xukuumaddu dhiirri-gelinayso maalgashiyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee xagga warshadaha iyo wax soosaarka beeraha.

Warshadda Burka oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhismaheeda 37 milyan oo dollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hayโ€™adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin โ€œMaxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashadaโ€

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...