Raβiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, oo uu kaga qayb galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha Shaati Gaduud Raβiisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Raβiisul Wasare ku xigeenka Salax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee XFS.

