𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶𝘀𝘂 𝗮𝘆 𝘅𝗼𝗼𝗴𝗴𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗮𝗱𝗲𝗲𝗴𝗴𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta  kormeer ku tegay Wasaaradda Caafimaadka si uu u kuur galo habsami u socodka howlaha ay qaranka ugu igman tahay  iyo qorsheyaasha horutabinta u leh, taasi oo ay saldhig u tahay isla xisaabtan iyo in bulshada loogu adeego si hufnaan leh .

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Mudane Dr Cali Xaaji Aadan ayaa  uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha tallaabooyinkii ugu danbeeyay ee loo qaaday xagga horumarinta hannaanka caafimaadka dalka iyo caqabadaha jira.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo tilmaamay ahmiyadda ay Wasaaradda Caafimaadku u leedahay guud ahaan dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo daboola baahidooda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saarayso horumarinta adeegyada bulshada, dibna loo dhisi doono goobihii muhiimka ahaa ee dadweynaha Soomaaliyeed ka heli jireen adeegyada bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...