Madaxweynaha Shiinaha oo eedeeyn kulul u soo jeediyay dalalka reer galbeedka

Date:

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku eedeeyay dalalka reer galbeedka oo uu ugu horreeyo Mareykanka, in ay wadaan olole siyaasadeed oo ay ku caburinayaan dalkiisa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Madaxweynaha Shiinaha oo shalay khudbad ka jeediyay fadhiga baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in Waddamada reer galbeedka oo uu ugu horreeyo Maraykanka ay dhaqan galiyeen siyaasad ku saabsan go’doominta Shiinaha, taas oo ah caqabado aan hore loo arag oo ku wajahan horumarka Shiinaha.

 

Xi Jinping, waxa uu sharraxay in haddii ay hirgasho Siyaasdan ay damacsanyahiin reer galbeedka in Shiinaha uu ka dhici doona isbeddel degdeg ah oo aan la saadaalin karin inta uu sii socon doona.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, waxa uu intaa ku daray in shantii sano ee la soo dhaafay ay la soo derseen caqabado hoos u dhigay koboca dhaqaale ee dalka, kuwaasi oo ay laf dhabar u ahayeen hagardaamada dalalka reer galbeedka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...