Mareykanka oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray wasiir ka tirsan Israa’iil

Date:

Dowladda Mareykanka ayaa gaashaanka u daruurtay hadal uu jeediyay wasiirka midigta fog ee maaliyadda ee Israa’iil, Bezalel Smotrich, kaas oo ku baaqay in tuulada Hawara laga sifeeyo dadka Falastiiniyiinta – hadalkaas oo Washington ay ku tilmaantay “wax laga yaqyaqsiyoodo” oo “laga caroodo”.

Qof Falastiini ah ayaa la dilay kaddib markii Yuhuudda meesha la dajiyay ay Axaddii iyagoo caraysan xoog ku galeen aaggaasi.

Tallaabadaas oo u muuqanaysay inay ugu aargudayeen dilka laba nin oo walaalo ahaa oo Israa’iiliyiin ahaa.

Xaafadda ka tirsan daanta galbeed ee lahaysto waxaa si buuxda u maamula Israa’iill, Falastiiniyiinta halkaas dagan ayaa ku eedeeyay cidamada Israa’il in ay ka difaaciwaayeen weeraro mudo saacado ah ku socday.

Lamar Abusarees o ah toban jir u dhalatay Falastiin ayaa sheegtay in gurigoodu uu kamid ahaa kuwii la gubay.

Madaxweyne Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in dawladda Israa’iil uu kula xisaabtami doono dhibka gaaray dadkiisa.

Dagaalka Falastiin iyo Israa’iil muddo badan ayuu socdaa, waxaana uu mar horseeday dagaal weyn oo u dhaxeeyay Israa’iil iyo Carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...