Madaxweyne Xasan Sheekh oo Golaha Wasiirada jubbaland kala Hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axamed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaand kaasi oo lagaga arrinsaday dib u xorenta deegaanada ku jira gacanta Khawaarijta ee ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo Golaha Wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardar  galinta wejiga labaad ee howgalka dib u xoraynta dalka oo dhawaan ka billaabanaya deegaanada Jubaland iyo Koonfur-galbeed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in waqti dhow uu bilaaban doono wejiga labaad ee howlgalka ciribtirka Khawaarijta.

Kulankan waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dowlad-goboleedka Jubaland, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...