[DAAWO] ๐—ฅ๐—ฎ’๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ: โ€œ๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐˜† ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐—น ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ฎ๐—ต ๐—น๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—น๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐˜…๐—ผโ€

Date:

Muqdisho, Feberaayo 20, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Caddaaladdu ay tahay unug isku xiran oo ay lagama maarmaan tahay in hal mar ah la isla saxo, isla markaana aan waxba laga qaban karin amniga, dhaqaalahaย  iyo adeegyada bulshada haddii aan la hagaajin.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed laga wacyigeliyo dhaqamada ku saleysan laaluushka iyo musuq-maasuqa, cid walba oo lagu helana sharciga la horkeeno.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xariiqay in aan la aqbali karin xilligaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah in maalin walba muwaadin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu dilo jidadka, isagoo faray hay’adaha caddaaladda in ay qaadaan tallaabooyin lagula xisaabtamayo kooxaha dilalka geysanaya.

Shir Sanadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xeer Ilaaliyeyaasha dowlad goboleedyada, Safiirro iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS โ€œKoonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.โ€

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...