Kulan looga hadlayay xoojinta amniga iyo horumarinta Dagmada Hobyo oo Galkacyo lagu qabtay maanta 

Date:

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga iyo horumarinta Dagmada Hobyo oo Galkacyo lagu qabtay maanta

Kulankaan oo ay soo agaasimeen odayaasha dhaqanka oo uu hogaaminayay suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed isla markaana ahaa mid lagu sagootinyay Gudoomiyaha Cusub ee dagmada Hobyo Cismaan Axmed Cabdille ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Galkacyo

Kulanka oo intiisa badan ahaa mid looga hadlayay xoojinta wada shaqeynta bulshada iyo maamulka si looga gudbo caqabadaha hor taagan sare u qaadista horumarinta dagmada Hobyo ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Suldaanka Guud ee Beesha Sacad Suldaan Cabdi Naasir Jaamac Seed oo isagu dar daaran ku aadan shaqada adag ee sugeysa maamulka cusub ee dagmada Hobyo kulanka kasoo jeediyay

Qaar ka mida waxgaradkii kulanka ka qeyb galay ayaa iyaguna sheegay in ay garab taagan yihiin

Gudoomiyaha Dagmada Hobyo Cismaan Axmed Cabdille ayaa ka mahad celiyay kulanka ay soo agaasimeen odayaasha dhaqanka isagoona xusay in Maamulkiisu uu noqon doono mid ku adeega la tashiyada waxgaradka iyo bulshada jecel horumarka iyo wanaaga

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...