Kulan looga hadlayay xoojinta amniga iyo horumarinta Dagmada Hobyo oo Galkacyo lagu qabtay maanta 

Date:

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga iyo horumarinta Dagmada Hobyo oo Galkacyo lagu qabtay maanta

Kulankaan oo ay soo agaasimeen odayaasha dhaqanka oo uu hogaaminayay suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed isla markaana ahaa mid lagu sagootinyay Gudoomiyaha Cusub ee dagmada Hobyo Cismaan Axmed Cabdille ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Galkacyo

Kulanka oo intiisa badan ahaa mid looga hadlayay xoojinta wada shaqeynta bulshada iyo maamulka si looga gudbo caqabadaha hor taagan sare u qaadista horumarinta dagmada Hobyo ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Suldaanka Guud ee Beesha Sacad Suldaan Cabdi Naasir Jaamac Seed oo isagu dar daaran ku aadan shaqada adag ee sugeysa maamulka cusub ee dagmada Hobyo kulanka kasoo jeediyay

Qaar ka mida waxgaradkii kulanka ka qeyb galay ayaa iyaguna sheegay in ay garab taagan yihiin

Gudoomiyaha Dagmada Hobyo Cismaan Axmed Cabdille ayaa ka mahad celiyay kulanka ay soo agaasimeen odayaasha dhaqanka isagoona xusay in Maamulkiisu uu noqon doono mid ku adeega la tashiyada waxgaradka iyo bulshada jecel horumarka iyo wanaaga

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...