Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Haweyney Afduub geysatay iyo Askari qof shacab ah xabad ku dhuftay

Date:

Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir si gaar ah Ciidanka Booliska Degmada Wadajir ayaa ka qabtay Faadumo Maxamed Cabdullaahi oo iyada iyo Koox ay hugaamineeyso afduubteen Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsanaa.

Haweenaydaan ayaa horkaceysay koox afduubtay  Mahad Xasan cameey oo ah Muwaadin xanuusan oo ay ka afduubteen waaxda 5-aad ee Degmada wadajir iyaga oo ku hayay guri ku yaala Degmada Howlwadaag.

Saldhigga Degmada Wadajir ayaa hataan laga soo xiray Haweenaydaan, waxaana la hor geenayaa Sharciga.

Dhanka kale Booliska Degmada Abdicasiis ayaa gacanta ku dhigay askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo xabad ku dhuftay Wiil dhalinyaro ah kamid ahaa dadka u soo damaashaad tagay xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.

Wiilka yar iyo askariga ayaa murmay kadibna askariga ayaa xabad uu ruday ku dhuftay, ciidanka Saldhigga Degmada Cabdicasiis oo goobta gaaray ayaana xabsiga dhigay askarigii, waxaana la hor geenayaa Maxkamadaha dalka si luugu fuliyo Xukunkiisa, sidookale Ciiidanka Booliska Saldhigga Cabdicasiis ayaa marxuumka dhintay ku wareejiyay Ehelkiisi.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin ayaa horay u sheegay in askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed aan laga hari doonin ilaa sharciga laga geeyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...