Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiir Kuxigeenka Safaarada Suudaan ahna Sii-haayaha Safiirka

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiir Kuxigeenka Safaarada Suudaan ahna Sii-haayaha Safiirka Mudane Ammar Ahmed B. Ali.

Kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo, midka dhaqan iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab. Iyadoona Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu kaga mahadceliyay dalka Suudaan doorkooda taageerida walaaltinimo ee had iyo jeer la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay kala faa’ideysiga dhanka Aqoon iyo Xirfad ee labada Caasimadood, Mataaneenta, Tababarida iyo Maalgeshiga Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isla gartay in dhawaan Magaalada Muqdisho lagu qabto Shirweyne Maalgeshi oo u dhaxeeya Suudaan iyo Soomaaliya, kaasi oo diirada lagu saarayo maalgeshiga Warshadaha iyo Adeegyada Aas-aasiga ah ee Bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad...

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane...