MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo madaxdu ay falaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, kuwaas oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol, waxa ayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay In la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo  Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu ciribtirayo Argagaxisa Al-Shabaab.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey, isagoo oo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta argagixisada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...