Tirada dadka ku dhintay Qaraxii ka dhacay Masaajid ku yaalla Peshawar oo sii kordhay

Date:

Tirada dadka ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday masaajid ku yaalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan ayaa gaaray 93 qof, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan caafimaad  Pakistan.

Ruuxii fuliyay weerarka ayaa ku jiray safka hore ee masjidka, kaasi oo markii salaada la bilaabay isku qarxiyay Jameecadii Masaajidka, sida ay sheegeen laamaha amaanka.

Dalalka Islaamka iyo Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarkan argagixiso ee lala beegsaday dadkii ku cibaadeysanayay masaajid ku yaalla Peshawar .

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka ismiidaaminta ah, waxaana bayaan ka soo baxay xafiiskiisa lagu yiri “Waa wax laga yaqyaqsado in la weeraro goob cibaado.”

Gudaha dalka Pakistaan waxaa bilahii u danbeeyay ku sii badanayay Qaraxyada ismidaaminta ah ee aan loom eel dayeynin, kuwaasi oo ay geysanayaan Kooxaha argagixisada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...