[DAAWO ๐—š๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ซ๐—™๐—ฆ ๐—ผ๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ๐—น ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜† ๐—ต๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ถ๐˜€ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฐ๐—ถ ๐—บ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—บ ๐—ฎ๐—ต

Date:

Muqdisho, Janaayo, 19 2023— Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa maanta waxaa shir guddoomiyey ku simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale meel mariyey heshiiska is af-garad ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee dhawaan ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo qayb wayn ka qaadan doona dib u dhiska hayโ€™adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhinaca kale wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo tododbaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta.

Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada ayaa golaha Wasiiradda u qaybiyey siyaasadda qaran ee maaraynta deegaanka, hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka iyo heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ee Bariga Afrika.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somaliaโ€™s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted Her Excellency Sophie,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Saciid Maxamuud Axmedย 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...