Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada ATMIS oo dilay 23 xubnood oo ka tirsanaa Khawaariijta Al-shabaab

Date:

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada Hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa saaka hawlgal qorshaysan ku dilay 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaariijta.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Danow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida uu wakaaladda Qaranka ee  SONNA u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Odowaa Yuusuf Raage.

Hawlgalkan ayaa yimid ka dib markii kooxda khawaariijtu isku dayeen in ay ciidanka ku qaadaan weerar gaadmo balse ciidanka oo ka warqabay dhagarta khawaariijta ayaa  gaarsiiyey khaasaare culus,dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa xaqiijiyey in khawaariijta laga furtay Saanad Ciidan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka oo laga Daah-furay degmada Galcad

Maamulka iyo shacabka magaalada Masagawaay ee degmada Galcad ayaa...

Ololaha todobaadka dhir beerista oo ka billaawday xarumaha dowladda

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Xildhibaan Faarax Macallin iyo wafdi la socday

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed...