Guddiga Gaadiidka Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Date:

Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka BJFS oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa maanta Xafiiska Guddiga ugu yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada; Xil. Fardowsa Osman Egal oo ay weheliyaan Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda; Agaasimaha Guud iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad) ayaa masuuliyiinta wasaarka looga dhageystay war bixinno ku saabsan sharciyada wasaaradda muhiimadda u leh ee u qorsheysan, Qoshe-hawleeedka Wasaaradda, heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay hawada Soomaaliya, istiraatiyadda guud ee Wasaaradda, caqabadaha fursadaha iyo fursadaha wasaaradda horyaalla.
Xildhibaannada Guddiga ayaa iyaguna dhinacooda talo soojeedin iyo su’aalaba waydiiyey masuulinta wasaaradda.
kulanka oo ku soo dhamaaday is fahan ayaa lagu kala qaatay waajibaad shaqo, sidoo kale waxa lagu dardaarmay in shacabka Soomaaliyeed loogu shaqeeyo hufnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...