Guddiga Gaadiidka Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Date:

Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka BJFS oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa maanta Xafiiska Guddiga ugu yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada; Xil. Fardowsa Osman Egal oo ay weheliyaan Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda; Agaasimaha Guud iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad) ayaa masuuliyiinta wasaarka looga dhageystay war bixinno ku saabsan sharciyada wasaaradda muhiimadda u leh ee u qorsheysan, Qoshe-hawleeedka Wasaaradda, heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay hawada Soomaaliya, istiraatiyadda guud ee Wasaaradda, caqabadaha fursadaha iyo fursadaha wasaaradda horyaalla.
Xildhibaannada Guddiga ayaa iyaguna dhinacooda talo soojeedin iyo su’aalaba waydiiyey masuulinta wasaaradda.
kulanka oo ku soo dhamaaday is fahan ayaa lagu kala qaatay waajibaad shaqo, sidoo kale waxa lagu dardaarmay in shacabka Soomaaliyeed loogu shaqeeyo hufnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...