Wasiiirka dhalinyarada XFS oo Maanta Dhagaxdhigay Garooonka Kubada Cagta Dr Ayuub Jeenyo ee Ee degmada Balcad

Date:

Wasiiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo uu weheliyo wasiirka wasaarada Dhalinyrada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Caynte, Xildhibaanno Ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Xiriiirka Kubada Cagta Hirshabeelle iyo guddoomiyaha degmada Balcad ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Garooonka Kubada Cagta Dr Ayuub Jeenyo ee Ee degmada Balcad.

Garoonkaan  oo ay iska kaashadeen bulshada Balcad iyo hay’adda IOM ayaa  loo dhisi doonaa si Casri ah ayada oo la dhigi doono roogga Cagaaran ee garoomada kubadda cagta la dhigo.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda dhagax dhigga ayaa balan qaaday in wasaaraddiisu qayb ka mid ah garoonka ay ka dhisi doonto xarun dhalinyarada lagu baro farsamada gacanta iyo xirfado u sahli kara inay si fudud ugu biiraan suuqa shaqada.

Dhismaha iyo qalabaynta garoonkan ayaa qayb wayn ka gaysan doonta horumarinta Sports-ka deegaanka iyo in dhalinyaradu hellaan goobo ay isugu yimaadaan

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...