Duulimaadyada Maraykanka oo caadi ku soo noqday ka dib cillad farsamo oo baajisay 11,000 oo duulimaad

Date:

Hay’adda duulimaadyada Federaaliga ah ee Maraykanka ayaa sheegtay Khamiistii in duulimaadyadii badankoodu ay caadi ku soo noqdeen, ka dib markii ay cilladi ku timi mid ka mida computer-ada laga hago diyaaradaha Maraykanka, taas oo saamaysay in ka badan 11,000 oo duulimaad oo qaarkoodna ay baajiyeen duulimaadyadii halka qaar kalena uu dib u dhac ku yimi duulimaadkoodii caadiga ahaa.

Barta dhinaca internetka ee FlightAware.com ayaa iyana ku warantay in duulimaadyadii la baajiyey iyo kuwii dib u dhacay, inay haatan ku soo noqdeen sidii caadiga ahayd.

Saraakiisha sarsare ee Hay’adda duulimaadyada ee Maraykanka ayaa sheegay in khalkhalka ku yimi duulimaadyada Maraykanka inuu sababay cillad farsamo oo la soo deristay mid ka mida nidaamyada xogta haya, taasoo saamayn ku yeelatay nidaamka ‘Ogaysiinta Hawlgallada Hawada’ ee loosoo gaabiyo NOTAMs, nidaamkan ayaa ah qayb muhiima oo ka mid ah, hannaanka lagu maamulo duulimaadyada ka dhoofaya garoon kasta oo Maraykanka ku yaalla.

Duuliyayaasha ayaa looga baahan yahay inay la tashadaan nidaamka Ogaysiinta Hawlgallada Hawada ama NOTAMs, ka hor inta aanay duulin.

Nidaamkan ayaa duuliyayaasha macluumaad badan ka siiya, arrimaha saamayn karaya duulimaadkooda, oo ay ku jiraan gegida duulimaadyada, haddii dhisme ka socdo qayb ka mida, haddii uu yaallo baraf, iyo macluumaad kale oo badan oo ay u baahan yihiin duuliyayaashu inay ogaadaan ka hor inta aanay duulin.

Nidaamkan ayaa berigii hore lagu wada xidhiidhi jiray telefoon, hase ahaatee haatan waxaa loo wareejiyey computer-ka.

Cilladdan ku timi Computerka ayaa soo bilaabantay habeenimadii Salaasada, iyada oo si weyn u saamaysay duulimaadyada maalintii Arbacada.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AFP iyo AP

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...