Sharci-dejiyayaasha Maraykanka iyo Brazil oo iska kaashanaya baaritaanka weerarkii baarlamaanka Brazil

Date:

WASHINGTON/BRASILIA – Kaaliyayaasha sharci-dejiyayaasha Maraykanka ee ka tirsan guddidii baadhaysay weerarkii 6-da January ee lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka ayaa wadahadal hor-dhac ah la yeeshay baarlamaanka dalka Brazil, iyaga oo doonaya in la iska kaashado, baadhitaan lagu sameeyo, mudaharaadayaashii qabsaday aqalka baarlamaanka ee Brazil. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay laba qof oo arrintan si dhow ula socday.

Mudaharaadayaashaas ayaa ugu baaqayey milateriga dalkaas inay inqilaab ku sameeyaan madaxweynaha Brazil.

Bennie Thompson oo ka tirsan aqalka wakiillada ee Maraykanka oo guddoomiye ka ahaa guddidii dhowaan la kala diray ee baadhaysay dhacdadii 6-da January ee lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka sannadkii 2021, ayaa la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha Congresska ee xafiiskoodu uu ku hawlan yahay wadahadalada lala sameeyey baarlamaanka Brazil.

Guddoomiyaha aqalka Senateka ee dalka Brazil Rodrigo Pacheco ayaa isaga laftiisu wuxuu fikradda ah in macluumaadka la isweydaarsado kala hadlay diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka ee ku sugan dalka Brazil, sida laga soo xigtay qof saddexaad oo arrintan xogogaal u ah.

Wararka laga helay Pacheco ayaa sheegaya in sii hayaha safaaradda Maraykanka ee Brazil Douglas Koneff, inuu soo dhoweeyey aragtida ah in la wadaago macluumaadka.

Xafiiska Pacheco iyo safaaradda Maraykanka, midna kama jawaabin warkan.

Reuters.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...