Horumarinta Adeegyada Caafimaadka Dalka oo laga shiray

Date:

Wasiirka Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamd Xassan Maxamed Bulaale ayaa kulan laqaatay tiirka Arimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ay hogaamineyso Gudoomiye Xilibaan Nadra Salaad Cabdi.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray halbeegyada waaweyn ee qorhseysan Wasaaradda ee

ku aadan horumarinta Adeega Cafimaadka dalka iyo dedegjinta howlaha sida gaarka ah mudmnaanta u leh sida Sharicga Dawaada, Howlaha Caafimaad eek u aadan Qorshaha Xasilinta Goobaha Dib looga xoreeya Al-Shabaab iyo Guud ahaan higsiga Wasaaradda Caafimaadka.

Madaxda kasocotay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay sida wanaagsan uu wasaaraddu u waddo shaqadda ay u idmanthay Wasaaradda Caafimaadka, iyagoo sheegay in Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ay mudnaan dheeri ah sinayaan howlaha horutabint weyn u leh Wasaaradda Caafimaadka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...