[SAWIRRO]Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Date:

Waxa maanta ka ka furmay magaalada Muqdisho kulan ay isku yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya. Shirkaan ayaa diirada lagu saaraya arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda Dalka, sharuudaha deyn cafinta iyo mideynta canshuurta Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo si rasmi ah shirka u furay, ayaa sheegay in uu muhiim yahay shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in inta shirkaan uu socdo ay doodooda diirada ku saari doonaan arrimaha mudnaanta u  leh Horumarinta Dhaqaalaha Dalka, mideyn hannaanka canshuuraha,  dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.

Shirkaan Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka uu ka taageero guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed.

Waxa sidoo kale shirkaan ka qeybgalaya Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha dalka iyo masuuliyiin ka tirsan Hey’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...