Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa xalay xilli danbe gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Raiuslwasare Hamse waxaa garoonka diyaradaha Qaahira waxaa ku soodhaweeyey masuuliyiin sar sare oo katirsan Dowladda  Masar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa dalkaas ku tagay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah.

Mudane Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso inay sii ballaariso xiriirka ay la leedahay qaar kamid ah wadamada Caalamka oo ay kujiraan dalalka taageerada siiya Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...