Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa xalay xilli danbe gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Raiuslwasare Hamse waxaa garoonka diyaradaha Qaahira waxaa ku soodhaweeyey masuuliyiin sar sare oo katirsan Dowladda  Masar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa dalkaas ku tagay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah.

Mudane Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso inay sii ballaariso xiriirka ay la leedahay qaar kamid ah wadamada Caalamka oo ay kujiraan dalalka taageerada siiya Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...