Khawaarijtii ugu badneed oo Al-shabaab oo ah oo lagu dilay Shabeelada Dhexe

Date:

MOGADISHU, 09 January 2023: Ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalkan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu qiyaasay 150, kuwaas oo doonayay in ay weeraraan Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ee ku sugan Xawaadlay iyo Gaadiid ay qaraxyo ah kuwaasi oo ay ku diyaarinayeen Beero dhexdooda.
Sidoo kale, Labo gaari oo ahaa nuuca Homey iyo Noah oo ay ku xireen waxyaabaha qarxa kuwaas oo ay qorshaynayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho ayaa lagu burburiyay howlgalka.
Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka foojigan yihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...