๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ด๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ ๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐— ๐—ผ๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Masar ayaa galabta kulan la qaatay Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Mostafa Madbouly.

Labada Raโ€™iisul Wasaare ayaa ka wadahadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, diinta iyo awqaafta iyo dhaqanka.

Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daud Aweys Jaamac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS โ€œGeesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeedโ€

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...