๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ด๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ ๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐— ๐—ผ๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Masar ayaa galabta kulan la qaatay Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Mostafa Madbouly.

Labada Raโ€™iisul Wasaare ayaa ka wadahadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, diinta iyo awqaafta iyo dhaqanka.

Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daud Aweys Jaamac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...