Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS oo Booqasho uga bilaabatay dalka Sacuudiga.

Date:

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cali, Agaasimaha Waaxda Xajka iyo Cumrada Mudane Eng. Xamdi Cabdiraxmaan Ismaaciil iyo Lataliye Sare Mudane Maxamed Kheyrow Aadan ayaa gaaray magaalada Jedeh ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo halkaas ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa mudo todobaad ah.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jideh kusoo dhaweeyay Qunsulka Guud ee Qunsuliyada Soomaaliya ee Jideh Boqortooyada Sacuudi Carabiya Qunsul Macruuf iyo saraakiil sar sare oo ka socday Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiirka iyo Wafdigiisa inta ay joogaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa ay la kulmi doonaan Wasiirka Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Dr. Towfiiq Bin Fowzan Al- Rabiicah, iyagoo kawada hadli doona howlaha la xiriira gudashada acmaasha Xajka sanadka 1444H/2023.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka oo laga Daah-furay degmada Galcad

Maamulka iyo shacabka magaalada Masagawaay ee degmada Galcad ayaa...

Ololaha todobaadka dhir beerista oo ka billaawday xarumaha dowladda

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Xildhibaan Faarax Macallin iyo wafdi la socday

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed...