Dowladda Mali oo xabsiga ka sii daysay tiro kamid ah ciidamada Ivory Coast.

Date:

Madaxa maamulka ku meel gaadhka ah ee Mali, Korneyl Asimi Guetta, ayaa cafis u fidiyay 49 Askari oo u dhashay Ivory Coast, kuwaas oo la xiray sannadkii hore.

Ciidamadan ayaa lagu xukumay xabsi, ka dib markii lagu helay eedaymo ay ka mid ahayeen shirqoollo ka dhan ah Dawladda Mali iyo inay khatar ku yihiin ammaanka dalkaas.

Askartan ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Bamako bishii July ee sanadkii tagay, golaha Milateriga Mali, ayaa Askartan ku tilmaamay calooshood u shaqeystayaal, halka Ivory Coast ay sheegtay in ay qeyb ka ahaayeen howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.

Maamulka Mali ayaa Askartan ku xukumay 20 sano oo xarig ah 30-kii December 2022-kii, kadib markii lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay wax u dhimaan ammaanka dalka Mali.

Ugu danbeyntii Madaxwaynaha ku meel gaadhka ah ee Mali, Korneyl Asimi Guetta, ayaa cafis u fidiyay oo gabi ahaanba baabi’iyay xukunkii lagu riday Askartan u dhalatay Ivory Coast, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay Dawladda Mali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...