Dowladda Mali oo xabsiga ka sii daysay tiro kamid ah ciidamada Ivory Coast.

Date:

Madaxa maamulka ku meel gaadhka ah ee Mali, Korneyl Asimi Guetta, ayaa cafis u fidiyay 49 Askari oo u dhashay Ivory Coast, kuwaas oo la xiray sannadkii hore.

Ciidamadan ayaa lagu xukumay xabsi, ka dib markii lagu helay eedaymo ay ka mid ahayeen shirqoollo ka dhan ah Dawladda Mali iyo inay khatar ku yihiin ammaanka dalkaas.

Askartan ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Bamako bishii July ee sanadkii tagay, golaha Milateriga Mali, ayaa Askartan ku tilmaamay calooshood u shaqeystayaal, halka Ivory Coast ay sheegtay in ay qeyb ka ahaayeen howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.

Maamulka Mali ayaa Askartan ku xukumay 20 sano oo xarig ah 30-kii December 2022-kii, kadib markii lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay wax u dhimaan ammaanka dalka Mali.

Ugu danbeyntii Madaxwaynaha ku meel gaadhka ah ee Mali, Korneyl Asimi Guetta, ayaa cafis u fidiyay oo gabi ahaanba baabi’iyay xukunkii lagu riday Askartan u dhalatay Ivory Coast, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay Dawladda Mali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...