Madaxweyne Qoor Qoor oo ka tacsiyeeyay geerida Suldaan Cabdullaahi Maxamed Salaad

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Allaha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Maxamed Salaad Ducaale (Suldaan Cabdullaahi feef).

 

Suldaan Cabdullaahi waxaa lagu xasuusan doonaa doorkiisa dhaqanka iyo nabadoonimada ahaa, iyo sidoo kale dhismaha dowladnimada iyo arrimaha dib u heshiisiinta bulshada reer Galmudug.

 

Madaxweynaha, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada Marxuum Suldaan Cabdullaahi Maxamed, wuxuuna Eebbe uga baryay inuu janadii firdowsa ka waraabiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka iyo qaraabada uu ka baxay.

 

Innaa Lillaahi wa Inaa Ieyhi Raajicuun.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...